Howlgalo ka dhan ah alshabab oo laga sameeyay gobolka baay

0
96

Ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Howlgalada ayaa ciidamada iskaashanaya waxay ka sameyeen fariisimo kooxdu ku laheyd deegaanka Jameeco oo qiyaas ahaan u jirta degmada Buurhakaba 25KM.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta degmada Buurhakaba Sandheere Xasan Aadan oo hoggaaminaayay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalada maanta khasaare xoogan ku gaarsiyeen kooxda Al-shabaab, hayeeshe muusan carabaabin inta uu dha yahay khasaaraha.

Taliyaha wuxuu sidoo kale xusay iney cagta mariyeen goobo badan oo kooxdu gabaadyo ka dhiganayeen oo ku yaala inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Jameeco, islamarkaana ciidanku wali ku jiraan baacsiga Al-shabaab.