Ciidanka daraawiishta maamulka konfur galbeed oo saaka weerar ku qaadey kooxo isbaarooley eh oo ku sugnaa deegaanka yaaqbariweyne

0
78

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yaaqabari weyne ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saakay halkaas uu dagaal culus ku dhexmaray ciidanka Maamulka Koofur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan oo oo kasoo hayaamey deeganada hirshabeele.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed weerar xoogan ku qaadeen goobo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka hubeysan oo la sheegay in jidgooyo u taalay.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada, hayeshee wali lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo la hadashay warbaahinta gudaha ayaa sheegeen in maleeshiyaadka ay dhigteen isbaarooyin lacago baad ah looga qaado gaadiidka isticmaala wadada isku xirta degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba ee maamulka Koonfur Galbeed, taasina ay keentay in ciidanka ay qaadaan howlgal militari oo lagu sifeynayo waddooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here