Wasiirka arimaha dibada oo si adag uga hadley damaca itoobiya ay ka leedahay ee xeebaha soomaliya

0
76

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag ugu eedeeyay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed isku dayo uu geeska Afrika ka hurinayo colaad uu kaga leexinayo caqabadaha ka jira gudaha dalka Itoobiya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya mowqif adag ay ka taagan tahay khatar kasta oo ku wajahan midnimadeeda iyo madax banaanideeda, isagoona xusay in damaca Itoobiya uu horseedi karo rabshado iyo xasilooni darro baahsan oo ka dhacda gobolka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wadahadalada Turkiga gar wadeenka ka yahay ee Ankara ka dhacay in Itoobiya ku adkeysatay damaceeda ay ku dooneyso biyaha iyo dhulka Soomaaliya, taasina aysan Soomaaliya marnaba u cuntameyn.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabaa in aan caddeeyo in Soomaaliya ay ganacsi ahaan u furan tahay oo kaliya heshiisyada faa’iidada leh ee lala galo Itoobiya. Ma ogolaan doono in badda lagu galo qaab ciidan iyo mid madax banaan, sidoo kale ma ogolaan doono joogitaan ciidan oo waqti dheer iyo mid gaaban ah.

Wasiirka ayaa bogaadiyay mowqifka dowladda Turkiga ay ku dooneyso in xal looga gaaro xiisadan, isagoo rajeeyay in wareegga soo socda uu ka soo baxi doono xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here