Dowlada oo maanta shaacisay natiijada intixaanaadka dugsiga sare

0
56

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay Imtixaanka Shahaadiga fasalka 12 ee dugsiyada sare ee dalka, kaasoo sanadkaan ay u fariisteen Ardey gaareysay 36,034.

Ardey gaareysa 33,666 ayaa ku baastay Imtixaanka, waxaana ku dhacay 2,366 Arday oo dib markale u fariisan doona fasalka 12 ee Dugsiga sare, waxaana Wasaaradda Waxbarashada sidoo kale sheegtay iney baa’bisay natiijada Arday tiradoodu gaareyso 2,905 arday oo lagu qabtay qish.

Zakariye Xuseen Maxamed Cismaan ayaa noqday Ardayga sanadkaan kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Shahaadiga ee sanad walba Wasaaradda Waxbarashada ay qaado guud ahaan dalka, marka laga reebo Somaliand iyo Puntland.

Ugu dambeyntii Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka hadlayay munaasabadda lagu shaacinayay natiijada ayaa sheegay in dowladda sanadkan Waxbarasho minxo bilaash ah siinayso 3,000, oo Arday oo ah gabdhaha soo gudbay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here