Alshabab oo xaley weerar kusoo qaadey deegaanka buula mareer

0
78

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay gudaha magaalada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Uganda ka jooga Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab.

Weerarka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga ciidanka ATMIS ee ku yaala gudaha magaalada Buula mareer.

Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ATMIS ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhnac ay isku adeegssadeen hubka noocyadiisa kala, islamarkaana qaatay mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.

Ilo ku sugan magaalada Buula mareer oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegeen in weerarka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aysan xaqiijin karin inta uu dhan yahay khasaaraha rasmga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here