Mooshin laga diyaariyey xildhibaanadii taageerey joogitaanka ciidamada itoobiya

0
57

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Hoose oo tiradooda lagu qiysaasay afartameeyo, ayaa la xaqiijiyay inay diyaariyeen mooshin lagu dalbanayo in xasaanadda looga qaadayo 25 xildhibaan.

Xildhibaanada mooshinka laga diyaariyay ayaa lagu eedeeyay inay ku kaceen tallaabo kasoo horjeedda qarnimada Soomaaliyeed, ka dib markii ay taageereen dibadbaxyo lagu taageerayay joogitaanka ciidamada Itoobiya, kaasoo ka dhacay 2 degmo oo ka tirsan gobolka Bakool.

Mooshinkan ayaa la sheegay in aanu weli qabanin guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe, inkastoo xildhibaanada soo diyaariyay ay culays ku saarayaan inuu guddoomiyuhu ka guddoomo mooshinka ay wadaan.

Warar aanu saakay helayno waxay sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka uu baajiyay fadhigga maanta uu yeelan lahaa baarlamaanka, sababa la xiriira buuqa ka dhashay xildhibaanada mooshinka wada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here