Ciidamada masar iyo somaliya oo wada sameyn doona dhoolatus milateri

0
57

Masar iyo Soomaaliya ayaa go’aan ku gaaray in ay dhoolatus milateri oo wadajir ah ku sameeyaan Soomaaliya, dhoolatuskaas oo u muuqda mid muujin kara in uu sii kordhin karo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Jaamacadda Carabta iyo Itoobiya, sida ay saraakiisha ammaanka u sheegeen The National.

Dhoolatuskan oo la filayo in la qabto bishan, ayaa waxaa ka qayb qaadan doona ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay ilo ammaanka gobolka ah oo ku dhow Qaahira. Si kastaba ha ahaatee waxay ka gaabsadeen inay shaaciyaan taariikhda dhoolatuska, muddada uu soconayo iyo tirada ciidamada ku lugta leh.

Warka ku saabsan dhoolatuskan wadajirka ah ayaa soo baxay maalin uun ka dib markii Masar ay sheegtay inay qoraal u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo ka hortimid siyaasadda halka dhinac ee Itoobiya ee ku aaddan biyo xidheenka Gerd.

Qaahira ayaa diidday inay Ethiopia ku sii socoto dhamaystirka dhismaha biyo xidheenka iyo buuxinta kaydkeeda iyada oo aan lagala tashan dhinaca Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here