Qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka koonfur galbeed oo kasoo horjeestey taagerida itoobiya

0
49

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan taageeradii Koonfur Galbeed ee ciidanka Itoobiya.

Odayaashan ayaa si weyn uga soo horjeestay tallaabadii uu qaaday maamuka maamulka koonmfur galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen iyo dibad-baxyadii ka dhacay gobolka Bakool.

Mid kamid ah odayaasha oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in marnaba aysan taageeri doonin Itoobiya, ayna yihiin dad Soomaaliyeed oo leh dal xor ah.

Nabdoon kale oo isna hadalka qaatay ayaa ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed inuu soo qasbay shacabkii dibad-baxay, wuxuuna sheegay in dadkaas ay waayeen daryeel dowladnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here