Madaxweynaha somaliya oo kulan la yeeshay madaxweynaha dalka shiinaha

0
39

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Madaxtooyada Beijing ee dalka Shiinaha dhigiisa dalkaas madaxweyne Xi Jinping.

Kulanka laba geesoodka ahaa ee dhexmaray labada Madaxweyne ayaa ahaa mid ay kaga wada hadalayeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, islamarkaana meel sare loo gaarsiin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.

Labada madaxweyne ee dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sidoo kale is dhaafsaday in dhinac walba uu si buuxdo u ilaalinayo Wadajirka iyo midnimada labada shacab, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah.

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa dhankiisa sheegay dowladdiisa ay fulineyso balanqaadkii ahaa in Soomaaliya ay ku sameysaneyso maalgashi, wuxuuna ku dhawaaqay in lacag dhan 200 oo milyan oo ah lacagta dalkiisa inuu ku taageerayo dowladda Fedaraalka Soomaaliya, si wax loogu qabto qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here