Ciidanka dowlada oo la wareegey deegaano hoostaga gobolka bakool

0
16

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa weerar qorsheysnaa ka fuliyay deegaanka Qeydar Cadde oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Deegaanka Qeydar Cadde oo qiyaas ahaan degmada Xudur kaga beegan dhanka Waqooyi Galbeed 30 KM ayaa lasoo wariyay iney ku dagaalameen ciidamada xoogga dalka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaas isku aruursanaayay.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay kooxda kala wareegeen fariisimahii ay ku laheyeen deegaanka Qeydar Cadde, islamarkaana khasaare xoog leh gaarsiiyeen xubnahii ku sugnaa deegaankaas.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool maalmahii lasoo dhaafay ka socdeen howlgalo sidaan oo kale ah oo lagula dagaalamayo Al-shabaabka ku sugan deegaanada Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here