Wefdi uu hogaaminaayo reysulwasaare xamsa oo u kicitamey dalka mareykanka

0
17

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkan kusii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qayb-geli shirweyne caalami ah.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa wuxuu ra’iisul wasaaraha ka qayb-geli doonaa kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo ka jeedin doono khudbad xasaasi ah.

Sanadkan halku dhigga shirka ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

khudbadda Xamza Cabdi Barre ka jeedin doono madasha ayaa la filayaa inuu diiradda ku saaro doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Sidoo kale wuxuu ka hadli doonaan arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha waa wayn ee ay ku tiirsatay dowladda federaalka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here