Maamulka somaliland oo sheegey inuu xiriir ka dhaxeeyo alshabab iyo xuutiyinta

0
9

Somaliland ayaa sheegtay in uu xidhiidh ka dhexeeyo kooxaha Al Shabaab iyo Xuutiyiinta dalka Yemen, kuwaasi oo iska kaashanaya khalkhal galinta amaanka gobolka.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo waraysi siiyay Muuqbaahiyaha Al Carabiya, qaybta ku baxda Afka-Carabiga, ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato xidhiidhka cusub ee dhexmaray kooxahan.

Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay door wayn ka ciyaarto xakamaynta dhaqdhaqaaqyada khatarta ku ah ganacsiga gobolka, isla markaana, aan lagu halayn Somaliland amaanka badda Cas.

Maraykanka ayaa hore u sheegay in uu jiro xidhiidh ay sameeyeen kooxaha Xuutiyiinta iyo Al Shabaab, taasi oo laga yaabo in ay sababto in Xuutiyiintu ay hub xoogan siiyaan Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here