Madaxweynaha dowlada federaalka iyo kan maamulka koonfur galbeed oo heshiis hor u dhac ah dhex marey

0
9

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay horay ugu soo rogtay xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed kuwaas oo horay qaarkood loogu celiyay garoonka Muqdisho.

Xayiraadda la qaaday kadib ayaa waxaa suuragashay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay gaaraan magaalada Baydhaba, ayada oo arrintan ay qayb ka tahay fulinta heshiiska ay gaareen maamulka Laftagareen iyo iyo Villa Soomaaliya.

Xildhibaannada tegay Baydhaba waxaa kamid ah Sareedo Maxamed Cabdulle oo maalin kahor lagu celiyay Muqdisho, ayada oo laga reebay diyaarad ku socotay Baydhaba.

Sareedo iyo wafdi uu hoggaamineyso ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud, iyada oo kadib loo galbiyay madaxtooyada oo ay kula kulmi doonto madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horreeyo Cabdicasiis Laftagareen.

Labada dhinac ayaa isku afgartay dhowr qodob oo hordhac u noqonaya heshiis lagu soo afjarayo xiisadda madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen, waxaana dadalaadaas hormuud u noqday taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub).

Waxaa sidoo kale heshiiskaas qayb ka ahaa in duullimaadyada iyo isu socodka Koonfur Galbeed gudaheeda iyo Muqdisho sidoodii caadiga ahaa ay ahaadaan oo aan marnaba la carqaladayn, taas oo maanta dhaqan-gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here