Maxamed Cabdi Waare oo sheegey in somaliya aysan wax dan ah ugu jirin kala xigsashada masar iyo itoobiya

0
17

Ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ahna madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay Soomaaliya in aanay wax dan ah ugu jirin inay soo kala dhoweysato Itoobiya iyo Masar.

Maxamed Cabdi Waare waxa uu sheegay hardanka u dhaxeeya labada dal inuu khatar weyn ku yahay xasiloonida geeska Afrika iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Ku xigeenka Ergayga guud ee IGAD ayaa sheegay Soomaalidu in looga baahan yahay inay ka tashadaan aayahooda, si dalka loo badbaadiyo.

Wuxuu sheegay haddii aan la baraarugin in dhulka Soomaaliyeed uu ka bixidoono gacmaha dadkiisa.

Hadalkaan ayuu Waare ka jeediyay magaalada Garowe oo uu uga qeyb galayo kulan ku saabsan, marxaladaha nabadeed iyo amni ee geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here