Shuute oo digniin u direy dadka hubka guryaha ku heysta iyo kuwa ka ganacsada

0
10

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa digniin adag kasoo soo saaray haysashada, isticmaalka iyo iibinta hubka ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in cid walba oo lagu arko iyadoo isticmaaleysa hub sharci daro ah laga qaadi doono talaabo adag, islamarkaana ka maxkamad ahaan ay diyaariyeen xubno la shaqeeya ciidamada amaanka oo marka lala soo wadaago xogta soo jaraya waaranka u ogolaanaya in la geli karo guryaha ama goobaha hubka lagu haysto.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in digniintaan ay qeyb ka yihiin masuuliyiinta dowladda xilalka ka haayo ee haysta hubka aan sharciyeysneen, maadama dowladda ay dooneyso iney la dagaalanto ka hortaga hubka sharci darada ah, waxaana xusid mudan in maalmo kooban ka hor ciidamada Booliiska Muqdisho kusoo bandhigeen hub sharci daro ah iyo raggii ka ganacsanaayay.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad ayaa kusoo aadaya, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in gacan adag lagu qaban doono ganacsiga hubka iyo in lagu heysto guryaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here