Wasiirika difaaca oo ka hadley hub dhawaan ay somaliya ka heshay dalka masar

0
10

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya ay si madax banaan u go’aamin doonto xulafadeeda gudaha iyo dibadda, maaddaama ay si fiican u garaneyso danaheeda gaarka ah.

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay mar uu dalka soo gaaray markab xamuul ah oo siday gargaar milateri oo aad u badan oo ka yimid dowladda Masar.

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada ciidanku ay hoosta ka xariiqayso xoojinta xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar.

Waxa uu sheegay in ay Masar ka heleen shixnadaha hubka casriga ah ee ugu ballaaran ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, wuxuuna sheegay inay calaamad u tahay tallaabo dheeraad ah oo lagu xoojinayo saameynta sii kordheysa ee Soomaaliya ay ku leedahay masraxa caalamka.

Bishii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiiska difaaca iyo hab-maamuuska iskaashiga milateriga, xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here