Dani oo sheegey inuu diyaar u yahay in ay meel fagaara ah ku wada hadlaan maamulkiisa iyo dowlada federaalka

0
25

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xalliyo khilaafka taagan.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay inay u baahan yihiin in meel fagaare ah oo Soomaalidu marqaati ka tahay lagu wada hadlo, wuxuu intaas ku daray haddii ay suurto gali waayaan inuu dalku khatar ugu jiro in sida Somaliland cid walba goonideeda isku taagto.

Deni ayaa gartiisa u dhiibtay wafuudda kasoo qeyb gashay shir ku saabsan arrimaha nabadda oo xalay lagusoo gabagabeeyay magaalada Garowe, wuxuuna ka codsaday wafuudda shirkaas inay meel fagaare ku wada hadal siiyaan iyaga dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Punland wuxuu sheegay marar badan oo qol mugdi ah lagu shiray in ay wax kasoo bixi waayeen, sidaas awgeed wuxuu sheegay inay u baahan yihiin in meel fagaare ah lagu wada hadlo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here