Dowlada masar oo ka hadashay hub ay dhawaan kasoo dejisay magalada muqdisho

0
26

Dowladda Masar ayaa ka hadashay hub ay kasoo dajisay magaalada Muqdisho oo ay ugu talo gashay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Masar ayaa lagu sheegay in shixnadan hubka ah ay Masar ugu talo gashay si ay u taageerto una dhisto awoodda ciidamada Soomaaliya.

Xiriirka Masar iyo Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kacay ka dib markii ay is-aamin waayeen Itoobiya, taas oo keentay in Qaahira ay diyaarado badan oo hub ah u soo dirto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka dib markii ay wadamadu saxeexeen heshiis amni oo wadajir ah bishii August.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay taageerada militari ee Masar in ay hoosta ka xariiqayso xoojinta xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar. Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in ay Masar ka heleen shixnadaha hubka casriga ah ee ugu ballaaran ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, wuxuuna sheegay inay calaamad u tahay tallaabo dheeraad ah oo lagu xoojinayo saameynta Soomaaliya ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here