Gudiga adeega xajka 1446/2025 oo sheegay in aan sanadkan la qaban doonin tartanka shirkadaha

0
14

Guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda ayaa soo saaray go’aan ku aadan in sanadkan aan la qaban karin tartankii sanadlaha ahaa ee shirkadaha bixiya adeegga xajka oo kuwa diyaaradaha qaada xujeyda ay ugu horeeyaan.

Guddiga ayaa sabata ku sheegay in isbedel uu ku yimid jadwalka Xajka oo ay soo saartay Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyagoo sheegay in adeegga xajka ay qaba doonaan shirkadihii shaqeeyay sanadkaan 2024, iyadoo aan lala tartamin.

Hoos ka akhriso qodobada go’aanka:

Guddiga adeegga xajka sanadka 1446/2025 oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo, isla markaana tixgelinaya koobnaanta waqtiga iyo isbeddalka ku yimid Jadwalka xajka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ay soo gudbisay, wuxuu la wadaagaynaa umadda Soomaaliyeed ee xajka daneyneysa qodobadaan:

  1. 1- In sanadkan 1446/2025 aan la qaban karin tartankii sanadlaha ahaa ee shirkadaha adeegga xajka.
  2. 2- Waxaa sanadkan adeegga xajka fulin doona shirkadihii kusoo baxay tartankii la qabtay sanadkii 1445/2024, marka laga reebo shirkadaha ku guul darraystay u adeegidda xaajiga Soomaaliyeed iyo fulinta heshiiskii shaqo ee ay la galeen Wasaaradda Awgaafta & Arrimaha Diinta Soomaaliya.
  3. 3- Guddigu wuxuu farayaa shirkadihii fuliyay adeegga xajka sanadkii 1445/2024, in ay faylashooda u gudbiyaan, waada Xajka iyo Cumrada ee Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta, laga billabo Sabti 28. 9. 2024 ilaa 29. 9. 2024.
  4. 4- Ugu dambayn guddigu wuxuu go’aamiyay in tartanka furan ee shirkadaha adeegga xujeyda Soomaaliyeed ee sanadka 1447/2026, la gaban doono Maarso 2025.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here