Wasiirka wasarada arimaha dibada oo sheegay inaysan jiri doonin wadahadal toos ah oo dhex mari kara itoobiya iyo somaliya

0
11

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in aysan muuqan rajo laga qabo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isugu yimaadaan wada hadal fool ka fool oo ku saabsan xiisadda arrimaha badda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Itoobiya ay martay dariiq qaldan, oo ay u bareertay boobka qayb kamid ah dhulka Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland.

Wasiir Fiqi ayaa yiri, “Annaga nooma muuqato in Abiy Ahmed inta uu kasoo jiireeyo dariiqaas qarda jeexa ah uu dowladda Soomaaliya lasoo xiriiro.”

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan is waafaqayn in ciidamada Itoobiya ay u joogaan nabad ilaalinta Soomaaliya, halka Raysal Wasaare Abiy Ahmed uu ka shaqeynayo ku xadgudubka qaranimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here