Ciidamada xooga dalka oo howlgalo ka wada xadka u dhexeeya gobolka bay iyo gedo

0
23

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada saacadahii lasoo dhaafay dhulka howdka ah ee ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Baay iyo Gedo.

Dhulka howdka ah ee howlgalada ka socdaan ayaa la sheegay in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku leeyihiin fariisimo ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka geystaan qeybo ka mid ah goboladaas.

Taliyaha Ururka 46-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Xasan Aadan Maxamed, Xasan Taar ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalada ay ku burburiyeen goobo gabaad u ahaa Al-shabaab.

Taliye Xasan Taar ayaa sido kale ayaa sheegay in howlgaladaan ay sii socon doonaan inta ay ka sifeynayaan xubnaha Al-shabaab ee ku sugan dhulka howdka ah ee dhaca xadka ay wadagaan gobolada Gedo iyo Baay oo ka kala tirsan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here