Shirka golaha wadatashiga oo galey maalintiisa labaad

0
20

Shirka golaha wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta galaya maalintii labaad.

Shirkaan oo uu guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka qeyb galayaan Raysal wasaare Xamse, ku xigeenkiisa, madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeele, iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Kulanka maanta ayaa la tilmaamay in madaxda ay diirada ku saari doonaan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, amniga iyo siyaasadda.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sidoo kale sheegaya in madaxda golaha wadatashiga Qaranka ay si gaar ah maanta u falanqeyn doonaan qoddob la xariira hirgalinta doorashada, xili qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada uu ka dhamaaday mudo xiloodkoodii, islamarkaasna ay mucaaradka dalbanayaan in la qabto doorasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here