Taliyaha ciidanka boliiska oo maanta kulankii ugu horeeyey la qaatey taliska ciidanka boliiska

0
20

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta guddoomiyey shirkii u horreeyay ee taliska booliska.

Shirkan oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaasha hoggaanada, fadhiyada madax-banaan iyo qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar-galinta shaqada ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo haatan maraya meel xasaasi ah.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardar-galiyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here