Axmed madoobe oo markii seddexaad isku doortey magalada kismaanyo

0
65

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa markii sadaxaad isku doortey inuu noqdo madaxweynaha maamulka goboleedka Jubbaland ee shanta sano ee soo socota.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa malxiis u ahaa laba shaqsi oo la sheegay iney musharixiin yihiin kuwaasi oo kala ah Abuukar Cabdi Xasan iyo Feysal Maxamed Mataan, waxaana ka hor doorashada inta aysan bilaaban tanaasulay Dr Cabdi Xasan Xajiin.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo ahaa musharaxa ugu cadcad doorashada ayaa helay 55 cod, iyadoo Faysal Maxamed Mataan uu helay 16 cod, halka Abuukar Cabdi Xasan uu helay 4 cod, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Intaas kadib madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Khudbad uu jeediyay markii loo xaqiijiyay inuu ku guuleystay doorashadii, Wuxuu u mahadceliyay Baarlamaanka Jubbaland ee doortay.