Ciidamada dowlada iyo alshabab oo maanta ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka shebelaha hoose

0
55

Ciidamada dowlada iyo alshabab ayaa maanta ku dagaalamay deegaano ka mid ah gobolka shabelaha hoose kaasoo khasaare sida la sheegayo khasaare u geystey labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay.

Dagaalka ayaa yimid, kadib arkii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 14 Oktoobar ay ku leeyihiin deegaannada Janaale iyo Buufow Bacaad ee gobolkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, walow aan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna dib u celiyeen xubnihii duulaanka soo qaaday.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in khasaare culus dagaalkan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, welina ay sii wadaan howlgallo baacsi ah.