Maamulka puntland iyo kooxda daacish oo ku dagaalamaya buuraleyda gobolka bari

0
63

Puntland ayaa bilowday guluf ciidan oo ka dhan ah kooxda Daacish ee isku sii ballaarinaysa deegaanada buuraleyda gobolka Bari.

Ciidamo aad u badan oo wata gaadiid dagaal ayaa ka amba baxay magaalada Garowe, iyagoo gaaray magaalada Boosaaso, halkaas oo la filayo inay uga sii gudbaan dhinaca buuraleyda, si ay weerarro ugu qaadaan xarumaha kooxda Daacish ee ku yaalla gobolka Bari.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa haatan ku sugan magaalada Boosaaso, isagoo xarun ka dhigtay saldhigga ciidanka badda ee Puntland (PMPF). Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in xaaladda amni ee magaalada Bosaaso ay sababtay in madaxweyne Deni uu ka fogaado xarunta madaxtooyada Boosaaso.

Waxaa sidoo kale la sheegay in taliska Africom uu u ballanqaaday Puntland taageero ku aaddan duqeymo cirka ah oo lagu beegsanayo xarumaha Daacish ee gobolka Bari.

Tirada dagaalyahannada Daacish ee ku sugan Puntland ayaa lagu qiyaasay 600 illaa 700, waxaana lagu sheegay in ay taageero weyn ka helaan dagaalyahanno ajnabi ah oo ka kala yimid, Syria, Yemen, Ethiopia, Sudan, Morocco, iyo Tanzania.