Xukuumada xamsa oo dacwad kusoo oogtey madaxweynaha maamulka jubaland

0
62

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg deg ah ayaa go’aan adag ka soo saareen is doorashada Axmed Madoobe, waxaana Garqyaqaanka guud ee dowladda la faray inuu maxkamadda sare ee dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe.

Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale oo qaraarka caawa soo baxay warbaahinta u akhriyay ayaa dul istaagay ilaa seddax qodob oo lagu xaaraantinimeeyey gabi ahaanba doorashadii maanta ka dhacday Kismaayo.

Golaha wasiirrada ayaa qaraarkooda ku cadeeyey in doorashada Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland ay labaduba baal-marsan yihiin shuruucda dalka.

Sidoo kale waxaa qaraarkaan lagu cadeeyey in Dastuurka Jubbaland uu dhigayo in labo jeer ka badan uusan hal madaxweyne hoggaami karin maamulka, halka Axmed Madoobe uu is dooranayo markii 3-aad.