Xubnaha baarlamaanka labada aqal ayaa maanta isugu yimid kalfadhi wadajir ah, kaasoo ay ku ansixiyeen xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Fadhiga maanta waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana kooram ahaan uu fadhigan ku furmay xildhibaano gaaraya 175 Mudane.
Ajendaha fadhiga maanta oo ahaa in xubnaha Guddiga lagu ansixiyo ayaa durba waxa ay mudanayaasha cod gacan taag ah u qaadeen ansixinta Guddiga, waxaana taageeray 169 mudane, 6 mudane ayaa ka soo horjeestay, mana jirin cid ka aamustay sida uu shaaciyay Gudoomiye Aadan Madoobe.
Guddigan oo ka kooban 18 xubnood ayaa xalay waxaa fadhi deg deg ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya lagu ansixiyay.