Madaxweynaha maamulka somaliland oo kulan la qaatey safiirka dalka mareykanka iyo taliyaha ciidanka isku dhafka geeska africa

0
70

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley, iyo Taliyaha Taliska Isku-dhafka Ciidamada ee Geeska Afrika (CJTF-HOA), Jeneraal Brian Cashman, oo ay weheliyeen masuuliyiin kale oo Mareykan ah.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey xubnaha wefdiga Mareykanka iskaashiga iyo wada shaqaynta dhinacyada amniga Geeska Afrika iyo arrimaha milatariga ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanka. Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyey in booqashada weftigu ay xoojinayso xidhiidhka mustaqbalka ee labada dhinac.

Sida ku xusan war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, weftiga ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha. Danjire Richard H. Riley, iyo Jeneral Brian Cashman ayaa iyaguna caddeeyey in ay ka go’an tahay iskaashiga dhinacyada amniga Geeska Afrika.

Hoggaanka AFRICOM ayaa hore dhawr jeer u booqday magaalada Berbera iyada oo ay jiraan warar sheegaya in Maraykanku uu danaynayo in uu saldhig ka samaysto Berbera.