Dowlada somaliya oo ka hadashay dhaqdhaqaaqa ey ciidamada milateriga itobiya ka wado gobolka gedo

0
32

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay dhaq-dhaqaaqa ay Itoobiya ka wado gobolka Gedo, kaas oo ay ku tilmaamtay “fara-gelin qaawan iyo mid la iskaga horkeenayo beelaha degan gobolkaas”.

Dowladda ayaa si xooggan u cambaareysay tallaabooyinka guracan ee dowladda Itoobiya ay ka waddo gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaasi deggan, taas oo ay sheegtay inay qeyb ka tahay fara-gelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Dowladda ayaa caddeysay in Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa uu caadeystey taas bedelkeed oo ah inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, uuna wado tallaabooyin ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalka gurracan ee Itoobiya, kuwaas oo wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here