Wararka aynu helayno ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay dhammaan duulimaadyadii rakaabka ahaa ee tagi jiray gobollada dalka, ayna maanta Rakaab badan ku xayiran yihiin gudaha Garoonka Muqdisho.
Go’aankan ayaa lala xiriirinayaa shirkadaha diyaaradaha oo diiday inay duulimaadyo ku tagaan magaalada Raas Kambooni, iyagoo ka cabsi qaba in diyaaradahooda la soo rido, Dowladda Federaalka oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa go’aan ku gaartay in ay hakiso duulimaadyada ay ku tagi jireen gobollada dalka.
Ilaa hadda ma jirto wax diyaarad rakaabka ah oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku sii jeeda gobollada dalka, ilo wareedyo kusugan Garoonka ayaa inoo sheegay in Labo diyaaradood oo kaliya ay u duuleen Puntland, kuwaasoo mid ka mid ah ay siday meydka marxuum senator Gaagaab.
Tallaabadaan ay Dowladda qaaday waxaa si kulul uga hadlay Siyaasiyiinta Mucaaradka kuwaasi oo ku tilmaamay mid aan mas’uuliyad ku dheehneen.