Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo ka dhacay tuulada Jambaluul ee hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgalkan, oo dhacay habeen hore saqdii dhexe ayaa lagu dilay dagaalamayaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu ahaa mid ay ka qeyb qaateen ciidanka Militariga Soomaaliya, iyada oo la xaqiijiyay in lagu guuleystay, laguna soo afjaray afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Xubnahaas la dilay ayaa lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen hawlaha uruurinta lacagaha baadda ah ee kooxda Alshabaab ay ka qaaddo shacabka, waxaana xubnaha la dilay magacyadooda lagu kala sheegay.
Macallin Nuur, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa marin habaabinta dhallinyarada deegaanka, Liibaan, oo Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baadda ah, Cali Yare, oo xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyo Bilaal, oo sidoo kale ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab qeybta “Xisbada.”