Maamulka jubaland oo sheegey iney ka xun yihiin dagaalada ka dhacay deegaanka raaskambooni

0
254

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga xuntahay dagaaladii ka dhacay deegaanka Raaskambooni, waxayna ku tilmaantay inuu ahaa mid murugo leh oo laga baaqsan karay dagaal dhex mara dhalinyaro Soomaaliyeed.

Waxay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo arrimo siyaasadeed, isla markaana uu ciidamo geeyey gobol nabdoon oo ka caagan amni darro muddo 13 sano ka badan.

Jubaland ayaa ku nuuxnuuxsatay in falalka noocaan ah ay wiiqayaan dib u dhiska hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada.

Jubaland ayaa ku baaqday in xooga la saaro sidii looga xoreyn lahaa deegaanada ay wali gacanta ku hayaan Al-Shabaab, inta la bartilmaameedsan lahaa gobolada nabdoon.