Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay shir gudoomiyay xubnaha Golaha Wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu soo bandhigay qaar kamid ah qodobbada Dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameynayo iyo kuwii horey loogu sameeyey.
Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka, ayaa golaha warbixin ka siiyey halka ay marayaan wadatashiyada ku aaddan dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan qodobbada 5-aad iyo 9-aad oo la bilaabay wadatashiyadooda.
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa intii fadhigoodi kujireen waxa ay su’aallo ka weydiiyeen Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka iyo guddiga arrimaha Dastuurka u qaabilsan Baarlamaanka, isla markaana aragtidooda ku biiriyey cutubyada la soo bandhigay ee dib u eegista lagu sameynayo.
Labadaan cutub ee 5aad iyo 9aad ee Dastuurka KMG ah ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay Guddigaan ay wadeen latashiyo bulshada qeybahoodi kala duwan si ay uga doodaan qodobada dib u eegista lagu sameenayo iyo inay aragtiyadoodi ku biirayaan.