Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa sheegay in khataro halis ah ay soo wajahday ammaanka Soomaaliya, ka dib markii laga qaaday cunaqabateynta hubka ee saarnayd Soomaaliya.
Wasiir Juxa ayaa ku andacoodey in hubka la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya loo adeegsaday Khilaafyo Siyaasadeed oo salka ku haya Dano shaqsi iyo mid Siyaasadeed.
Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya oo dhawaan la geeyay deegaanka Raaskambooni ee maamulka Jubbaland, isagoo ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu qalqal geliyo dowlad federaal ah oo nabad ah.
Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si khaldan u isticmaashay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka oo loogu talagalay in lagula dagaalamo kooxda Alshabaab.
Waxa uu xusay in aysan jirin xeerar cad oo qeexaya isticmaalka tirada kooban ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay heystaan Ciidanka Soomaaliya.