Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa wada dadaalo iyo kulamo istaraatiiji ah oo lagu horumarinayo wasaaradda arrimaha dibadda.
Wasiirka arrimaha dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi oo uu wehliyo xoghayaha joogtada ah Xamza Xaadow ayaa kulan istiraatiiji ah la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda, si loo dardar-geliyo dadaallada lagu horumarinayo wasaaradda.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hagaajinta hawlaha shaqo, hirgelinta mashaariic muhiim ah iyo xoojinta awoodda wasaaradda ee ku aaddan horumarinta mudnaanta diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
Wasiirka wuxuu sheegay guulaha waaweyn ee la gaaray, oo ay ka mid yihiin diyaarinta Soomaaliya ee ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, muhiimadda istiraatiijiga ah ee ku biirista bulshada bariga Afrika iyo guusha machadka diblomaasiyadda oo tababaraya diblomaasiyiin da’yar si ay uga wakiil noqdaan Soomaaliya caalamka.