Madaxweynaha dowlada federaalka oo sheegey in turkiga uu somaliya ka dhisan doono saldhig dayax gacmeed

0
12

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Turkiga uu ka dhisaayo Soomaaliya saldhig dayax gacmeed, taasoo sare u qaadaysa barnaamijka tijaabinta gantaallada riddada dheer ee qorshaha xukuumadda Ankara.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka sheegay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho in mashruucaan uu wax badan ka tari doono shaqo abuurka iyo dakhliga soo gala Soomaaliya.

Warbaahinta Bloomberg ayaa bishii September ee lasoo dhaafay waxa ay bogeedi hore ku daabacday in Soomaaliya oo ku taalo cirifka bari ee dhul weynaha Afrika, Soomaaliya waa meel ku habboon in gantaallada laga rido badweynta Hindiya iyada oo aan khatar loo gelin in qashinku ku dhaco meelaha la deggan yahay ama dalal kale.

In Soomaaliya laga dhiso goob laga rido Dayax gacmeedka ayaa sare u qaadi doonta hamiga Turkiga ee ah in uu ku biiro tartanka hawada sare oo ay caado u ahayd in ay maamulaan quwadaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here