Reysulwasaare Xamsa oo sheegey in la gaarey xiligii dhagxaanta jid gooyada wadooyinka laga qaadi lahaa

0
13

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeedinayay munaasabad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in la gaaray waqtigii shacabka Caasimadda laga hor qaadi lahaa dhagaxaanta ku xiran qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa shaaca ka qaaday in dhagaxaantaasi oo caasimadda laga qaado ay ka qeyb qaadan doonto bilicda caasimadda Muqdisho.

Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho waxaa yaala dhagaxaan waaweyn oo meelaha qaar aysan suurta gal ahayn in gawaarida ay si fudud uga gudbi karaan kuwaasi oo loo dhigay si aysan u suurta galin in gawaarida qaraxyada Al shabaab aysan goobahaasi si fudud uga soo gudbin.

Dhagaxaanta kaliya maahan meelaha ay yaaliin wadooyinka ee waxaa jira kuwa la dhigay gudaha Xaafadaha qaar ee ku yaala Magaalada Muqdisho si loo adkeeyo amaanka guud ee caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here