Madaxweynaha dowlada federaalka oo sheegey in dalka laga qaban doono doorasho qof iyo cod ah

0
8

Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusaayay 81 sano guuuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay Booliiska Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay arrimo badan oo la xariira xaalada guud ee dalka.

Madaxweynahe Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu dheeraaday ka hadalka doorashooyinka, amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, waxuuna xusay in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana taasi lagu gaari karo in la xaqiijiyo sugista amniga ee dalka.

“Doorashadeenu waxay si sax ah u dhaceysaa marka amnigeenu sugan yahay, waxaan rabnaa in Booliiska usii diyaargaroobo, waa inaan kala shaqeynaa adkeynta amniga oo ku gacansiinnaa, gacan doorasho Alayaan ku galeynaa, gacanta kalena Argagixisada Ayaa isaga dhicineynaa, waxaan rabnaa in Booliiska u sii diyaargaroobo, ma hakineyo mana ka mashquuleyno dagaalka aan kula jirno Argagixisada” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha iney diyaarsan yihiin guddigii ka shaqeyn lahaa shuruucdii loogu talagalay in lagu hago arrimaha doorashooyinka ayna ka go’an tahay dowladdiisa in awooda dalka dib loogu celiyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay inuusan marnaba aqbali doonin in arrimaha Soomaaliya dibadda loo qaado, dalkuna uu leeyahay dowlad jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here