Weel kasta waxaa uu leeyahay mug hadii mugiisa la buux dhaafiyo wuu daadin doonaa

0
8

Siyaasada Soomaaliya iyo Siyaasiyiintoodaba Xishoodkii ayaa ka dhamaaday waxaad arkeeysaa Lafta-gareen oo u dabaal-dagaayo Lix(6) sano guuradiisa Xukunka iyadoo lawada ogyahay qaabkii uu ku yimid iyo qaabka uu hada ku joogo.

Iyadoo uu weli ku fadhiyo kursigii uu Dhiig ka tifqaayay oo ay inta badan Dadka iyo Deegaanada koonfur Galbeed ay Go’doon ku jiraan in ka badan 15 Sanadood iskadaa Deegaanada kale ee koonfur Galbeed magaalada Baydhabo oo fadhi u ah Maamulka laftagreen oo ay u furan tahay Hawada oo kaliya.

Maamulkana uusan waligiis u dhaqaaqin inuu iska xureeyo Al-shabaab oo dhinac kasta ugu hareereysan ayuu siyaasiga Soomaaliga Xishood la’aantiisa waxaad arkeeysaa isagoo dhiganaayo xaflado ku baxaayo Aduun-lacageed oo aad u fara badan iyadoo Magaalada Baydhabo hareeraheeda ay ku nool yihiin barakacayaal kasoo barakacay Alshabaab iyo kuwa duruufo Abaaro oo is xig-xigay oo ay ka dhaceen Deegaanada qaarkood.

Waxaase kasii daran iyadoo maatidaasi ay u baahnaayeen miciin iyo daryeel ayeey siyaasiyiintii ahaa madaxdii Dowlada dhexe iyagiina ay ka qeeyb galayaan xafladaha noocaas ah ee lagu qarash gareeynaayo Aduunkaasi-lacageed intii ay dhihi lahaayeen haloo weeciyo Baahiyaha aas-aasiga ah oo ay baahan yihiin shacabka haloo weeciyo.

waxaa nasiib daro ah in ay isku garaad iyo garasho ay noqdeen kuwa Maamulgoboleedyada iyo kuwii Dowlada dhexe ee Federaalka ku matalaayay iyagoo ku dul xafladeeynaayo habeenkii oo dhan hurdada u diidaayo maalintiina suuqyada iyo wadooyinka ka xiraayo Shacabka.

CALI CABDI BAAB

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here