Gudoomiyaha gobolka banaadir oo shir gudoominaayey shirka gudoomiyeyaasha degmooyinka

0
10

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta guddoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa looga hadlay qorshaha dar-dargelinta bilicda caasimadda, wax ka qabashada biyo qabadyada iyo biyo mareenada, amniga iyo u diyaar garowga doorasho qof iyo cod oo ka dhacda gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa shirka kusoo bandhigay qorshayaasha hortabinta u leh oo ay ugu horeeyaan magaalo Nabdoon, Nadiif ah, cagaaran, bulshada caasimadda oo hesha adeegyada aas-aasiga ah iyo in talada dib loogu celiyo bulshada si ay usoo doortaan hogaankooda.

Waxa uu sidoo kale ku dheeraaday ka go’naashiyahiisa ku aadan hirgelinta qorshayaashaasi uu ka leeyahay caasimadda, asigoona kula dar-daarmay maamulada degmooyinka gobolka Banaadir in si wadajir ah loogu wada-shaqeeyo horumarinta caasimadda.

Sidoo kale wuxuu kula dardaarmay masuuliyiinta degmooyinka in bulshada si hufan oo daacadnimo ah loogu adeego, islamarkaana loo dhimriyo dadka baahiyaha gaarka qaba iyo barakacayaasha ku nool Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here