Eritrea oo walaac ka muujisey heshiiska ay somaliya la gashey itoobiya

0
15

Cabdulqaadir idris oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Eritrea kala taliya Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin heshiiskii ay Dowladda Soomaaliya ay lagashay Dowladda Itoobiya.

Cabdulqaadir waxa uu shaaca ka qaaday in heshiiskii Ankara lagu saxiixay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ay ku dhameeyeen Khilaafkoodi, ay u arkaan heshiis uu ku jiro madmadow oo aan la isku halayn karin Itoobiya.

Waxa uu yiri ” ma jirin heshiis gaar ah ay Dowladea Eritrea la gashay Soomaaliya, heshiiskii ugu dambeeyay ee ay galeen Soomaaliya, Eritrea iyo Masar waxa uu ahaa sidii Soomaaliya looga difaaci lahaa Itoobiya oo soo hamisay biyaha Soomaaliya” sidaasi waxaa Bbc da laanteedi afka Soomaaliga u sheegay Cabdulqaadir Idris oo ah lataliye Wasaaradda arrimaha Dibadda Eritrea kala taliya arrimaha Soomaaliya.

Lataliyahaan waxa uu xusay in marnaba aysan ka fileenin Dowladda Soomaaliya is heshiiska noocaasi oo kale ay gashay, waxa uu xusay inay ka fiirsan doonaan xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya hadii ay ogolaato in marin biyood ay siiyaan Dowladda Itoobiya oo khatar ku ah ayuu yiri xasillonida iyo amaanka guud ee Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here