Wasiirka wasaarada arimaha dibada oo wareysi siiyey warbaahinta Asharq ayaa sheegey in Itoobiya marin dhanka badda ah laga siin doono Badda Cas, si ay Itoobiya uga hesho deked ganacsi.
“Dariiqa ay Itoobiya ka heli doonto badda cas waa marin ganacsi iyo deked, waxaana ay hoos tagi doontaa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirka Arrimaha Dibaddu ma sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan meesha Itoobiya ka helayso marin badeedka badda Cas.
Baaqii kasoo baxay heshiiskii Ankara ayaa qeyb ka ahaa in Itoobiya ay marin badeed ka hesho Soomaaliya, iyadoo marinkaas uu noqonayo mid ay dowladda Federaalku bixinayso.