Rabshadaha ka taagan dalka musambiig oo cirka isku shareeyey iyo somalidii oo cabsi soo wajahdey

0
14

Soomaalida ku nool dalka Musambiig ayaa wajahaya cabsi aad u xoogan oo la xariirta noloshooda iyo maalkooda, kadib markii ay sii xoogeysteen rabshado ka socda dalkaas oo ay dhigayaan taageereyaasha mucaaradka.

Rabshadaha ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 21 ruux ku dhinteen tan iyo markii Maxkamadda ugu sareysa ee dalkaas ay ku dhawaaqday guusha xisbiga talada haya ee Frelimo.

Dadka ku dhintay rabshada ayaa la sheegay iney ku jiraan laba sarkaal oo Boolis ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha Pascoal Ronda oo shir jaraa’id qabtay.

Dibadbaxayaasha iyo kooxaha mucaaradka ah ee dalkaasi Musambiig ayaa ku andacoonaya in doorashadii dhacday 9-kii Oktoobar ee sanadkaan la musuqmaasuqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here