Ganacsato somaliyeed oo hantidooda lagu boobey dalka mozambiig

0
57

Wararka ka imaanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in Soomaalida ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas iney la kulmeen dhac iyo boob xoog leh oo loo geysatay goobahooda ganacsiga.

Dhaca iyo boobka loo geystay xarumaha ganacsi ee Soomaalida ku nool dalkaas ayaa yimid kadib markii ay sii xoogeysteen banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan taageerayaasha mucaaradka oo kasoo horjeeda natiijada doorashadii dalkaas ka dhacday 9-kii bishii Oktobar ee sanadkaan.

Magaalooyinka sida weyn loogu boobay xarumaha ganacsiga ee Soomaalida waxaa ka mid ah magaalada Maputo oo ah Caasimadda iyo magaalada kale ee Nampula, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay xubin ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee dalkaas.

Xaalada dalka Mozambique ayaa marba marka ka dambeysa sii xumaan hayso waxaana ajaanibta ku nool dalkaasi oo Soomaalidu ay ka mid tahay ay wajahayaan cabsi ku aadan in dhibaato intaan kasii badan loo gaysto hadii rabshaduhu ay sii socdaan.

Tirada dadka ku dhintay rabashadaha ayaa gaartay 33 ruux, halka dhaawacuna uu marayo 15 ruux oo kale, kadib iska horimaadyo dhex maray ciidamada iyo dibadbaxayaasha, sida uu warbaahinta u sheegay taliye Booliis oo lagu magacaabo Bernardino Rafael.