Madaxweyneha dalka Somaliya oo kulan la qaatey madaxweynaha dalka Eritrea

0
64

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Xasan iyo Afwerki ayaa hoosta ka xariiqay in sugidda iyo dammaanad qaadka xasilloonida Soomaaliya uu laf-dhabar u yahay guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Labada hogaamiye ayaa sidoo kale waxay si qoto dheer uga wada hadleen ajandayaasha muhiimka ah, sida arrinta badda, gaar ahaan heshiiskii ay Ankara ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay haatan walwal ka muujineyso xuukumadda Asmara.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo madasha ka hadlay ayaa xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gobolka uu iska saaro faragelinta dibadda, “Haddii ay dhacdo, waxaa muhiim ah in gobolku uu wax ka qabto oo uu xalliyo caqabadaha u gaarka ah,” ayuu yiri Afwerki.

Dhanka kale, Isaias Afwerki ayaa ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku dhex-maray Soomaaliya, Eritrea iyo Masar, isaga oo shaaca ka qaaday in uusan lahayn ujeeddooyin aasaasi ah oo aan ka ahayn xoojinta xiriirka iskaashi ee saddexda dowladood.