Golaha wasiirada oo maanta meel mariyey wax ka bedelka xeerka ciqaabta iyo xeerar kale

0
10

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ahaa maanta ku ansixiyay wax ka badal lagu sameeyay xeer muhiim ah oo ay dhawaan soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya.

Kulanka Golaha oo uu shir guddoomiyay Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Wasiiraddu waxay si aqlabiyad leh u meel mariyeen wax ka beddelka Xeerka Habka Ciqaabta iyo Siyaasadda Qaran ee Dhismaha Machadka Sare ee Tababarka iyo horumarinta Sharciga.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuirka Xasan Macallin ayaa Golaha uga mahadceliyay sida aqlabiyada leh oo ay u meel mariyeen wax ka beddelka lagu sameeyay Xeerkaan.

Waxaa sidoo kale shirka Golaha Wasiirada lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriirra, horumarka laga sameeyay dhanka diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah, Amniga, Dhaqaalaha iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here