Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku tegey dalka ugandha

0
6

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Ugdanda waxaana uu ka qeyb galayaa Shir-madaxeedka Barnaamijka Horumarinta Beeraha Qaaradda Afrika ee (CAADP).

Shirkaan waxaa iskugu imaan doona hoggaamiyeyaasha Afrika si ay uga wadahadlaan maalgelinta iyo horumarinta beeraha qaaradda, iyada oo la xoojinayo doorka muhiimka ah ee beeruhu ku leeyihiin koboca dhaqaalaha iyo sugnaanta cuntada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Inta uu joogo Kampala waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa Madaxweynaha Uganda,Yoweri Kaguta Museveni, iyo Madaxweynaha Kenya,William Samoei Ruto, waxaana ay is aragoodi diirada ku saari doonaan xasilloonida gobolka, iskaashiga dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Goor dambe oo maanta ah, Madaxweynaha ayaa safar ku tagi doona magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here