Taliska boliiska oo ku amrey ganacsatada shirkadaha iyo ajaaniibta iney qaataan warqadaa dembi la,aanta

0
8

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ku amray Ganacsatada, Shirkadaha iyo shaqaalaha Ajaaniibta ah ee ku sugan guud ahaan dalka iney qaataan warqadda dambi la’aanta ee C.I.D.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amarkaan uu yahay mid kor loogu qaadayo amniga guud ee dalka iyo in laga hortago dhibaatada kooxaha nabaddiidka ah.

Afhayeen Cabdifataax ayaa sheegay in amarkan uu dhaqangal kiisa bilaaban doono 10-ka bishaan Febraayo, isagoona xusay in cidii u hogaansami weyda amarkaan laga qaadi doono talaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Ugu dambeyntii amarkaan kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay soo sarayeen digniino adag oo la xariiray inaan lala macaamili karin kooxaha loogu yeero aragagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here