Wasaarada caafimaadka oo amar kusoo rogtey dadka safarka ku tegay somaliya iyo kuwa kasoo baxaya

0
7

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro aan laga weecan karin oo taabanaya dadka imaanaya iyo kuwa ka safraya Soomaaliya, tallaabadani ayaa ah in ay qasab ku tahay in ay qaataan tallaallada ay ka midka yihiin kan looga hortago duumada, tallaalka dabaysha iyo tallaalka qaaxada maskaxda.

War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay dhaqan-gashay 1-da Febraayo ee sanadkan 2025, waxa ay xustay in Xarumaha Tallaalka laga qaadanayo ay qeyb ka yihiin goobaha laga soo galo dalka, sida: garoomada caalimiga ah, dekedaha iyo xarumaha kale ee caafimaad ee dowladdu asteysay.

War saxaafadeedka waxaa lagu yiri “Wasaaradda Caafimaadka waxaa ka go’an ilaalinta caafimaadka iyo badqabka muwaadiniinta iyo dadka booqashada ku imaanaya dalka lyadoo haddaba, laga duulayo kororka cudurrada faafa ee caalamka iyo dhaqangelinta Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah ee la xariira isu socodka (IHR 2005)”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here